Posts

Kaalinta Bulshada iyo Saameynta Dadweynaha ee Ibrahim Jule Abdullahi

Bulshada Soomaaliyeed oo ku jirta raadinta nabad, horumar, iyo caddaalad, waxaa jira shaqsiyaad si weyn ugu ololeeya adeegga bulshada iyo waxbarashada, kuwaas oo tusaale u ah dadaalka iyo hufnaanta. Mid ka mid ah shaqsiyaashaas waa Ibrahim Jule Abdullahi. Wuxuu caan ku yahay daacadnimo, naxariis, iyo dadaal joogto ah oo kor loogu qaadayo bulshada Soomaaliyeed, isagoo adeeg, waxbarasho, iyo u-doodidba ku bixiya. Difaaca Xuquuqda Bulshada iyo Adeegga Bani’aadamnimada Ibrahim oo ka shaqeeya Norwegian Refugee Council (NRC) qaybta Information, Counselling and Legal Assistance (ICLA), wuxuu door muhiim ah ka qaataa difaaca xuquuqda dhulka, guryaha, iyo hantida ee dadka nugul — gaar ahaan dadka barakacayaasha ah (IDPs) iyo soo laabtayashii Muqdisho. Wuxuu bixiyaa la-talin sharci, wacyigelin, iyo dhex-dhexaadin si qoysasku ugu xalliyaan khilaafaadka dhulka si nabad ah oo cadaalad ku dhisan. Shaqadiisu waxay ka dhigeysaa cod caddaalad iyo xasillooni leh, iyadoo dadka nugul aysan la illaawin hor...

FADLAN WALAALKA HA UGA FAAIDEYSAN DARUUFTA UU MANTA KUSUGANYAHAY.

 Duruuf iyo xoolo la,aan hadda kow uma aha soomaalida, waaba hadaysan hadda ugu rooneen, ruuxa gaajooda masjid ayuu ka istaagi jiray ama tolkiisa ayaa u qaaraami jiray- Cidina sawir iyo video kama duubi jirin- duruufta maalinkaas soo martayna ma harto kuma aysan noqon jirin- dadkuna wey iska hilmaami jireen.  Balse maanta ruuxa hal dollar la siinayo waxaa laga reebayaa xog ma harto ku noqota, Xogtaas oo si dadbana ruuxa uga dhaadhicisa in tuugsiga ay xirfadiisa tahay meel uu kaga laabtana aysan jirin maadaana soomaalidda inteeda la tusay baahidiisa.   Dadka badanaa dadka soo duuba waxa ay ku andacoodaan in ay rabaan in dadku arkaan amaanadooda? Si ruuxa uu u muujiyo amaanadiisa kuma qasbanna in qof duruufeysan uu soo duubo. Haddii la leeyahay “ Ruuxa raali buu ka ahaa”- Qof baahan go’aan ma lahan, waxaan 100% qiyaasayaa marka ay muddo ka soo wareegto wax ururinta ruuxii la duubayna uu dib u arko videogi laga duubay in uu niyadxumaanayo. Qormadaan sababta an u qoray w...

SI UGU FUDUD QUR"AANKA KU XIFDIN KARTO BISHA RAMADAAN.

Image
 Xisibka ama Juzka ugu horeeya ee Qur’aanka kor maka xafiday adigoon aan waligaa isku dayin inaad xifdiso? Haddii ay jawaabtaadu Haa tahay waad garanaysaa sababta aad u xifdisay waa joogtayn la’aantaada awgeed, oo mar baad inta dhiirigalin hesho go’aansataa inaad qur’aan aqris bilowdo, maalin ama laba maalin ka dib dhiiranaanti ayaa lunta. Haddii aad rabto in aad joogteyso Qur’aan aqrin ka bilow waxa ugu hooseeya ee suuragal kuu ah, tusaale : haddii aad joogteyso bog haafkiis muddo bil ah, waxaad samaysatay caado Qur’aan aqrin ah sidoo kale waxaa ku dhadhamaya Qur’aanka oo waxad arki doontaa barakada ku jirta Qur’aan aqrinta iyo sida uu nolol maalmeedkaada u qurxinayo. Iimaanka waa sida Muscle( muruq ) la dhisayo oo kale, macquul ma tahay maalinka ugu horeeya ee GYM-ka in aad qaado birta ugu weyn biraha-Haa waa macquul kaliya daal iyo quus ayad ka qaadaysaa.  Si aan iimaankeena u korino waxan u baahanahay in aan joogteyno camalo yaryar, muddo ka dib waxan arki doonnaa inagoo u...

NIN $10 Million ayuu shukaansi ka sameeyay.

Waxa uu gabdhaha ka soo dabi jiray Dating Apps, profile kiisa waxa uu ku xardhay sawiro muujinaya in uu ku safro dunida dacaladeeda waliba private jets si ay gabdhuhu ugu maleeyaan millionaire aanan magaalo ku hakan.  Gabadhi uu bartaba waa uu ka waalaa oo waxa uu ku cazuumaa hotel 5star ah sidoo kale dalxiis wadan kale ah ayuu u wadaa isagoo ku qarash gareeya  dhowr kun oo dollar. Sidoo kale gabdhaha waxa uu ugu sheekayn jiray in aabihii uu uga dhintay shirkad LLD diamond la yiraahdo si aan looga shakina cadaymo ayuu isku aadiyay. Muddo ka dib waxa uu gabdhaha u sheegi jiray in uu qatar ku jiro, waardiyihiisana la dhaawacay isagana uu ku sigtay in la dilo sidoo kale ay cadowgiisana Track gareynayaan Card bankgiisa, ka dib marka ay gabadhu u beerlaxowdo oo ay is tiraa jannadii aduunka ayaa qatar kaaga jirta ayuu ka codsan jiray $40,000 ilaa $100,000 oo uu sedex beri ku moodo ka dibna uu check siinayo.  Ponzi scheme oo shukaansi ah ayuu muddo sidaa ku waday lacagta uu mid ...

QIIMAHA WAKHTIGA

Qormadaan Waxaan jecldaay inaan kula wadaago oo aan Ku ogaano midkasta oo anaga nagamid ah QIIMAHA UU LEEYAHAY WAKHTIGA, Wakhtigu waa nolosheenna, wakhigu waa cimrigaaga kolba inta aad nooshahahay, wakhtigu waa daqiiqado, ilbiriqsiyo, saacado la isku geeyay, Wakhtigu waa nimcad weyn iyo fursad Alle Ina siiyay. Nebi Muhammad NNKH waxii yiri qofku Alle hortiisa ka wareegi maayo ilaa afar su'aal laweeydiiyo, labo kamid ah waxeey quseeysaa Wakhtiga. 1: Meesha uu cimrigiisa ku bixiyey. 2: Dhalinyaranimadiisii qaab nuucee ah ayuu ku Soo qaatay. 3: maalkiisa meesha uu ka keenay iyo meesha uu ku bixiyey. 4: cilmigiisa maxuu ku sameeyay.  WAXYAABAHA WAKHTIGA LAGU GARTO. Wakhtigu waa dag-dag badanyahay maalinkii ku dhaafto kuguma Soo laabaneyso. Wakhtigu waa seef haddii aadan goyn oo ka faa'iideysan iskaga ayaa ku goyn. Astaamaha lagu kala saaro dadka guuelystay iyo kuwa guuldareeystay waa hadba sida ay waqtigooda igu faa'iideystaan. Waddan waliba hantida uu leeyahay Waxaa lagu tilma...