FADLAN WALAALKA HA UGA FAAIDEYSAN DARUUFTA UU MANTA KUSUGANYAHAY.

 Duruuf iyo xoolo la,aan hadda kow uma aha soomaalida, waaba hadaysan hadda ugu rooneen, ruuxa gaajooda masjid ayuu ka istaagi jiray ama tolkiisa ayaa u qaaraami jiray- Cidina sawir iyo video kama duubi jirin- duruufta maalinkaas soo martayna ma harto kuma aysan noqon jirin- dadkuna wey iska hilmaami jireen. 


Balse maanta ruuxa hal dollar la siinayo waxaa laga reebayaa xog ma harto ku noqota, Xogtaas oo si dadbana ruuxa uga dhaadhicisa in tuugsiga ay xirfadiisa tahay meel uu kaga laabtana aysan jirin maadaana soomaalidda inteeda la tusay baahidiisa.  


Dadka badanaa dadka soo duuba waxa ay ku andacoodaan in ay rabaan in dadku arkaan amaanadooda? Si ruuxa uu u muujiyo amaanadiisa kuma qasbanna in qof duruufeysan uu soo duubo.


Haddii la leeyahay “ Ruuxa raali buu ka ahaa”- Qof baahan go’aan ma lahan, waxaan 100% qiyaasayaa marka ay muddo ka soo wareegto wax ururinta ruuxii la duubayna uu dib u arko videogi laga duubay in uu niyadxumaanayo.

Qormadaan sababta an u qoray waxa ka mid ah Somaliada inta badan Masakinta bahan ayee uga faaidestan inta yar ey siiyan in ey muqal iyo cod ey ka duuban.

Ibrahim Jule Abdullahi.

MAHADSANIDIIN.

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Kaalinta Bulshada iyo Saameynta Dadweynaha ee Ibrahim Jule Abdullahi

QIIMAHA WAKHTIGA