QIIMAHA WAKHTIGA

Qormadaan Waxaan jecldaay inaan kula wadaago oo aan Ku ogaano midkasta oo anaga nagamid ah QIIMAHA UU LEEYAHAY WAKHTIGA, Wakhtigu waa nolosheenna, wakhigu waa cimrigaaga kolba inta aad nooshahahay, wakhtigu waa daqiiqado, ilbiriqsiyo, saacado la isku geeyay, Wakhtigu waa nimcad weyn iyo fursad Alle Ina siiyay. Nebi Muhammad NNKH waxii yiri qofku Alle hortiisa ka wareegi maayo ilaa afar su'aal laweeydiiyo, labo kamid ah waxeey quseeysaa Wakhtiga.


1: Meesha uu cimrigiisa ku bixiyey.


2: Dhalinyaranimadiisii qaab nuucee ah ayuu ku Soo qaatay.


3: maalkiisa meesha uu ka keenay iyo meesha uu ku bixiyey.


4: cilmigiisa maxuu ku sameeyay.


 WAXYAABAHA WAKHTIGA LAGU GARTO.


Wakhtigu waa dag-dag badanyahay maalinkii ku dhaafto kuguma Soo laabaneyso.


Wakhtigu waa seef haddii aadan goyn oo ka faa'iideysan iskaga ayaa ku goyn. Astaamaha lagu kala saaro dadka guuelystay iyo kuwa guuldareeystay waa hadba sida ay waqtigooda igu faa'iideystaan. Waddan waliba hantida uu leeyahay Waxaa lagu tilmaamaa inay tahay saddex sheey, Dadka, dalka iyo waqtiga ay heestaan.


Book - uu qoray Isma'il Tukaale ciga oo layiraahdo "MAARAYNTA WAQTIGA" 


Waxuu yiri imaamkii weynaa ee ibnu Qayim raximahullaahu " Waqkhtiga oo la lumiyaa waxuu ka daranyahay dhimashada maxaa yeelay lumida Wakhtigu waxuu Kaa fogeynayaa Alle iyo maalinta qiyaamo Lkn dhimashadu waxeey Kaa fogeynaysaa dunida oo kaliye"


Taabicigii weynaa Hassan Albasari ayaa yiri "Binu'aadanow adiga Waxaa tahay maalmo laysku geeyay marka ay maalin ku dhaafto Waxaa ku dhaafay noloshaada barkeed"


Sidoo kale Taabicigii Hassan Albasari ayaa yiri "Maalinkastaa weey dhwaaqdaa iyadoo leh bini'aadanow Waxaan ahay maalin Cusub camal kaagana marqaati baan ka ahaan doonaa haddaan maantay ku dhaafo dib danbe kuugu Soo noqon maayo"


Wakhtigu waa cadaalad dadka oo dhan ay u simayihiin waxey ku kala geddisan hadba sida uu qofka ugu Faa'ideysto.


Sidoo Kale Nebi Muhammad NNKH waxii ku yiri Xadiis:


"نعمتان مغبون فيها كثير من الناس الصحة والفراغ"


Labo nimco oo ay dadku intooda badan ku dagan yihiin/ iloowshanyihiin waa waqtiga iyo Caafimaadka.


"Sidoo kale Nebi Muhammad NNKH caafimadku waa taaj la suray qofka madaxiisa, Qofka xanuunsan ayaa garan Kara Caafimaadka qiimahiisa"


Caafimadku waa sheey qaali ah inkastoo hadda qormadaan aanan uga hadleyn Caafimaadka haddana haddii uu Alle caafimaad kusiiyey wakhtina aad heysto Waxaa ila haboon sida ugu fiican inaad uga Faa'ideysto.


SIDEE UGA FAA'IDEYSAN KARNAA WAKHTIGA.


NEBIGEENA MUHAMMAD NNKH Waxuu noo tilmaamay si aan ugu Faa'ideysan karno wakhtigeena.


1: inta aad dhalinyadarada tahay, ka Faa'ideyso inta aadan gaboobin.


2: inta aad Caafimaadka qabto, ka Faa'ideyso inta aadan xanuunsan.


3: inta aad Xoolaha heysto ka Faa'ideyso, inta aadan cayroobin.


4: inta aad firaaq tahay, ka Faa'ideyso inta aadan mashquulin.


5: inta aad nooshahay, ka Faa'ideyso inta aadan dhiman.


Sidoo kale nin Gabyaa Carbeed ah ayaa laga wariyey inuu yiri: 


"لست الشباب يعود اليوم فاخبره بما فغل المشيب"


"Shalaytadaydee may maalin un iisoo noqoto Dhalinyaranimadayii si aan ugu waramo waxii ay cirradu igu samaysay"


Ehlu januhu waxeey ka qoomameyn doonaan marka ay janada la geeyo, waa Wakhtiga aysan cibaado iyo camal wanaagsan ku qabsan oo kalumay.


Dad badan oo dhiman rabaan ayaa laweydiiyay su'aal isku mid ah oo ah maxaad ka qoomameyneysaan markaas bay si isku mid ah ugu jawaabeen inay ka qoomameynnayaan waqtiga ka lumay.


Sidoo kale waxeey dhahaan dadku dilaaga waqtigu waa howsha oo aad dib u dhigtaa. 


Xigmad English ah ayaa dhahayso, 


"If you manage your time, you can manage your Money" 


"Haddii aad maamusha wakhtigaaga ogoow Waxaad maamushay lacagtaada"

Waxeey aheyd Qormo aad u dheer aadna u qurux badan oo aan ka Soo dharaandhiriyay Waxaan kasoo qatay intii ugu muhimsanayd oo aan ka aqriyey haddii aad rabto xog intaan ka badan oo  ku saabsan Wakhtiga Waxaad ka heli kartaa Book- "HAYAANKA NOLOSHA IYO MAARAYNTA WAQTIGA" 

MAHADSANIDIIN.




Comments

Popular posts from this blog

FADLAN WALAALKA HA UGA FAAIDEYSAN DARUUFTA UU MANTA KUSUGANYAHAY.

Kaalinta Bulshada iyo Saameynta Dadweynaha ee Ibrahim Jule Abdullahi