SI UGU FUDUD QUR"AANKA KU XIFDIN KARTO BISHA RAMADAAN.


 Xisibka ama Juzka ugu horeeya ee Qur’aanka kor maka xafiday adigoon aan waligaa isku dayin inaad xifdiso? Haddii ay jawaabtaadu Haa tahay waad garanaysaa sababta aad u xifdisay waa joogtayn la’aantaada awgeed, oo mar baad inta dhiirigalin hesho go’aansataa inaad qur’aan aqris bilowdo, maalin ama laba maalin ka dib dhiiranaanti ayaa lunta.


Haddii aad rabto in aad joogteyso Qur’aan aqrin ka bilow waxa ugu hooseeya ee suuragal kuu ah, tusaale : haddii aad joogteyso bog haafkiis muddo bil ah, waxaad samaysatay caado Qur’aan aqrin ah sidoo kale waxaa ku dhadhamaya Qur’aanka oo waxad arki doontaa barakada ku jirta Qur’aan aqrinta iyo sida uu nolol maalmeedkaada u qurxinayo.


Iimaanka waa sida Muscle( muruq ) la dhisayo oo kale, macquul ma tahay maalinka ugu horeeya ee GYM-ka in aad qaado birta ugu weyn biraha-Haa waa macquul kaliya daal iyo quus ayad ka qaadaysaa. 


Si aan iimaankeena u korino waxan u baahanahay in aan joogteyno camalo yaryar, muddo ka dib waxan arki doonnaa inagoo u baxbaxsanayna camalo waawayn.


Ramadan Kareem

Comments

Popular posts from this blog

FADLAN WALAALKA HA UGA FAAIDEYSAN DARUUFTA UU MANTA KUSUGANYAHAY.

Kaalinta Bulshada iyo Saameynta Dadweynaha ee Ibrahim Jule Abdullahi

QIIMAHA WAKHTIGA