NIN $10 Million ayuu shukaansi ka sameeyay.
Waxa uu gabdhaha ka soo dabi jiray Dating Apps, profile kiisa waxa uu ku xardhay sawiro muujinaya in uu ku safro dunida dacaladeeda waliba private jets si ay gabdhuhu ugu maleeyaan millionaire aanan magaalo ku hakan.
Gabadhi uu bartaba waa uu ka waalaa oo waxa uu ku cazuumaa hotel 5star ah sidoo kale dalxiis wadan kale ah ayuu u wadaa isagoo ku qarash gareeya dhowr kun oo dollar.
Sidoo kale gabdhaha waxa uu ugu sheekayn jiray in aabihii uu uga dhintay shirkad LLD diamond la yiraahdo si aan looga shakina cadaymo ayuu isku aadiyay.
Muddo ka dib waxa uu gabdhaha u sheegi jiray in uu qatar ku jiro, waardiyihiisana la dhaawacay isagana uu ku sigtay in la dilo sidoo kale ay cadowgiisana Track gareynayaan Card bankgiisa, ka dib marka ay gabadhu u beerlaxowdo oo ay is tiraa jannadii aduunka ayaa qatar kaaga jirta ayuu ka codsan jiray $40,000 ilaa $100,000 oo uu sedex beri ku moodo ka dibna uu check siinayo.
Ponzi scheme oo shukaansi ah ayuu muddo sidaa ku waday lacagta uu mid ka qaado ayuu mid kale ku soo xero gali jiray ilaa gabar norwegian ah oo uu ka dhacay $250,000 ay daba dhigatay.
Dumarka lacagta ku qafiifay warbaa u yaal😂.
Ninkaan waa yahuudi ku xaragoonaya israel 5 bilood oo kaliya ayuu xirnaa, lacagihi uu gabdhaha masaakiinta ka dhacayna shilin lama weydiin oo iyaga ayaa la rafanaya deenti ay u soo qaadeen.
Hadii ad u bahan tahay faah faahin dheeri ah waxaa ka heli kartaa Netflix Asigo ku baxayo luqada Englishka ah. Magaca ku qoran waa sidan (The tinder Swindler).
MAHADSANIDIIN.
Comments
Post a Comment